hadii aan jaceyl jirin dadku jaar may ahaadeen

Just another WordPress.com weblog

Dhibaatada jacaylka . November 28, 2009

Filed under: Uncategorized — jacayl @ 5:52 pm

dhibaatada jacaylku maaha mid dhamaata halka farxada jacaylku aanay ahayn mid dhamaata weligeed laakiin waxaa jirta dhib joogto ah oo uu jacaylku leeyahay taas oo ah welwel welbahaar hami badan murgo iyo tiiraanyo.

waxay sheegaan dadka wax jecel in ay iyagu ugu naxdin badan yihiin dadka dunidan ku nool waayo waxay mar walba niyada ku hayaan oo ay is leeyihiin ma ku dhaafay lamaanahaagii aad nolosha la qaybsan lahayd halka qofka aan jacaylku helin jecelyahay ka fekerka noloshiisa oo keliya

runtii jacaylku wuu dhibaatooyin badan yahay laakiin waxaan isku dayeyaa in aan ka faaloodo dhibta joogtada ah ee uu leeyahay jacaylka dhabta ah kaas oo dad badan oo dunida ku nooli dareemaan hadh iyo habeen.

* waxaa jira dhibaato joogto ah oo uu leeyahay jacaylku waxaana ka mdi ah welbehaar joogto ah, waxaa dhacda in marka aad qof si toos ah aad u jeclaatid mar walba ku fekertid la kulankeeda iyo in aad la sheekasyatid laakiin marka ay kaa soo hor baxdo qoftii ama qofkii aad jeclayd waxaad dareemaysaa welwel, welwelkaas oo aan ahayn mid kaa keenaya ilin ama mid wejigaaga ka muuqanaya oo dadka oo dhan dareemayaan runtii welwelka ku qabanayaa waa mid wadnaha iyo qaarka sare ee jidhkaaguun ku kooban marka se ay ku dhaafto waxaad is odhaneysaa yaa mar labaad kula kulan siiya, sidoo kale marka aad qof si xad dhaaf ah u jeclaatid waxaad mar walba ku fekeraysaa sidii aad jacaylkaaga ugu sheegan lahayd laakiin waxaa hubaal ah in aad ka fursan weydo qof aad ogeysiiso sida saaxiibkaa ama qofka markaa kuugu dhaw

waxaad ahayd markii hore mid wax walba keligii qabsada laakiin maanta talada iyo go aankaba qofka kuugu dhaw ayaad gacanta u saartay hadii uu ku yidhaahdo ka joog ma iska daa waad ka xumaaneysaa adiga oo aan deyneyn ayaad misana qofkii talo weydiisaneysaa hadab mar qudha ma is tidhi dhibtaa joogtada ah ilaa aad nolol la wadaagto aan ku deynayn ma is weydiisay ileen jacaylka dhabta ah waxaad ku garaneysaa marka aad qofka aad jeceshahay sawirkiisa aragtid ama uu kuu yimaado welwel iyo dhidib badan iyo hadalka oo iskaga kaa daadsama oo aad laba xaraf isku keeni weyday
rutnii jacaylku wuxuu leeyahay xanuun joogto ah oo dad badan dareensan yihiin qaarkoodna uu u dhiman yahay laakiin dhibta jacaylka oo dhan waxaa duudka u ritay oo qofka welwelka iyo welbahaarka ka biinayaa waa kelamda ah waan ku jeclahay waayo culimada jacaylku waxay sheegeen in kelmadaasi dhamaan unug yada jidhka oo dhan ay u qoyso sida roobku u qooyo una biyo dhigo dhulka wuxuun dareenka qofka binu aadanka ah nooleeyaa oo farxad iyo raynrayn geliyaa muddo saddex maalimood ah ka dib maalintii kelmadaa la yidhi waayo waxay mar walba waan ku jecalahay ku soo laa laabataa maskaxdiisa 100 jeer.

qofka aad jeceshahay marka uu ku hor yimaado wuxuu qalbigaagu odhanayaa dhug dhug dhug taas oo ay micnaheedu tahay alaw yaa nolosha igu kaa sima,waa layaab ee hadii ayu soomaali nahanay ma jiraa qof jacayl toos ah ku dhacay oo is leh jacaylka ku soo maray nolosha dadka wax ayuuu ka bedelayaa qof walba oo aan jacaylka aqoonina wuxuu u noqonayaa indho u furma.

waa qalinkii :Nuuradiin Xareed Cismaan (waxgarad)
Email:nuuradiinx@hotmail.com

 

Jacaylku ma dhab baa mise waa dhalanteed ? November 25, 2009

Filed under: Uncategorized — jacayl @ 10:19 am

Walaalayaal ku soo dhawaada gurigayga kulayl qaboow maxaad cabaysiin? ha is martiyaynina walaalayaal waxaan ugu tala galay gebi ahaanba pagekani in looga hadlo oo la isku dhaafsado qof waliba aragtida uu ka qabo jacalka marka please feel free every body inuu ka hadlo aragtidiisa.

Culimada Aduunka, Caafimaadka baartay, Cudurada la dabbargoynayo, Caashaqa ha lagu daro” Abwaan Maxamuud Tukaale wuxuu bilowgii sanadihii toddobaadyameeyadii ka codsaday aqoonyahanada adduunka, gaar ahaan kuwa baara cudurada aadamiga ku dhaca in cudurka Caashaqa la yiraahdo ay u helaan dawo lagu daryeelo. Abwaan Tukaale weliba intaas wuxuu ku daray, gabi ahaanba in cudurka Caashaqa la yiraahdo lagu daro cudurada Adduunka ee la dabbargoynayo! Haddaba Jacaylku ma dhabaa, mise waa…Dhalanteed? Ma Cudurbaa mise waa.. ? Hadduu cudur yahay dawo ma leeyahay?

Waa tan qalin lagu xariiqay, garyaqaano badan ka doodeen, qoraalo badan oo kale gedisana lagu qoray. Markey wiil iyo gabar qaangaar dareen jaceyl ahi galo, wuxuu mid walba is-weydiiyaa waa maxay jacayl? Ma jiraa jaceyl? Talow ma dhabaa mise waa dhalanteed…..?

Balse carruur iyo ciroole intuu Caadil abuuray wax bay cashaqaan, iyadoo weliba lagu kale dareen duwan yahay oo fikrado qalifsan lakala aamminsan yahay. Waa tan wiilka iyo gabadhu ay wada qoslaan, oo waxyaabo qaas ah mararka qaarkood ay is-dhaafsadaan. Kolkuu wiil jeclaado gabar oo uu quruxdeeda la dhaco, dabadeedna dib u milicsado wejigeeda ayuu wadnaha qac yiraahdaa, oo quwad dahsoon ee aan muuqan dhankeeda u jiidataa, indhahana kor u tagaa, sidii qof nafta laga siibayo oo kale. Waxaa ka soo daata, oo shabax ka soo yiraahda wejigiisa iyo oogadiisa oo dhan dhidid kulul, isagoo daaqadaha ku gadooda, si uu u helo neecow qabob oo qancisa naftiisa kulul. “Alla yaa tan hal habeen la caweeya, oo gaari qaali ah ku qaata” Ayuu uurka ka yiraahdaa.

Raggu waa seef la bood, hadba tii ay arkaan oo bilicsan bey yiraahdaan “Allaylahe! Waa tan tii aan doon-doonayay” Dumarkuse waa seef la qaad hadba kii u af-macaaneya ayey yiraahdaan “Allaylahe! Waa kan kii aan baadi-goobi jiray”.

Alla qurux badanaa ma xuural-ceyntii Janadaa?. Tani maba’aha tii uu iskuulka ama shaqada ku arki jiray, hadalo aan loo baahneyn ayuu ku hantaaqdaa, “Maxaad halkaan ka qabaneysaa, xaggee deggen tahay” uun buu la soo boodaa, goortay indhihiisa qabtaan inan ilwaad qurxoon. Khayr laawe! Waa inantii deriskiina ahayd, ee gurigga idinka soo horjeeda degneyd. Kolkaad miyir beesho, oo qalbigaagu si xun u qayirmo ayaad mar kale is tiraahdaa “Alla nasiib badnaan laheydaa haddii aad qoftaan maalin kula saan-qaadi laheyd, hal qol ka soo wada toosi laheydeen, oo aqalka kuu dhex joogi laheyd, sidii gabar yar oo makhbiya ah oo kale” Intaad dib u soo baraarugta ayaad qosol aan lagula wadaagin gashaa. Waxaad jeclaataa arageeda, meel walba oo ay joogta ayaad ku meer-meeraysataa; Telefan wacid ayaad ku waalataa, qof weliba oo aad taqaanid ayaad wanaageeda uga sheekeysaa, qofka aan iyada garaneynin waxaad ku qasabtaa inaad bartid ama sawirkeeda tustid, kii kugu caayo oo aan amaanin iyada ayaad la calowdaa, oo saaxiibtinimada u jartaa.

Alla Jaceylku dhib badanaa, oo muxuu yahay?. Sidiisaba, Jacaylku ma dhabaa, mise waa dhalanteed? Waxaa kugu soo kordha wel-wel faro badan, dareen joogta ah, niyad jab, tabar dari, daal, cuntada oo aad ka soonto, oo aadan waxba dhadhamin; naftaada oo aad daryeeli weydo; xanaaq badan oo aadan garaneynin meel aad ka keentay; dabeecad qalafsan, iyo dadka oo hadalkooda ku dhiba, gaar ahaan dumarka ha u badnaadeene.

Waxba yaanan hadal kugu daalin, anigu ma’ihi Dektoorkii Jaceylka, laakiinse jaceylku waa wax jira oo dhaca maalin weliba, saacad walba, daqiiqad iyo il-biriqsi walba, kana dhaca goob weliba dunida afarteeda dacal. Markaad dib u milicsato qoraalkeyga ayaad oranaysaa:“Alleylahe Waa runtii ama maye anigu ma aamminsani waxa u sheegayo . Kolkaadse ereyadeyda hal-hal u aqriso oo maskaxdaada ku dhacaan baad wareertaa, dhulkuna kula wareegaa sidii adiga oo wiifoow saaran oo kale. Kursigaaga xejiso, oo ha ka dhicin. Waxaa sii kordha is-garaaca wadnahaagga; biyaha cabistooda ayaad basataa; gacmaha ayaa ku gariira sidii ruux ay la-leemo ku dhacday oo kale; waxaani waa jaceyl wuu ka burji weyn yahay, kana quwad weyn yahay, ka dibna cistibaal iila carara tiraahdaa. Waxyaabaha kaa sii waalo oo xiiso hor leh kugu beera, waa arageeda oo si joogta ah aad u aragtaa. Waxa kale oo kaa sii waala mar qof iyada yaqaan uu kaga sheekeyo. Waxa macquul ah qofka aad sidaan u doon dooneysid inuusan kaa war qabin inaad tahay qof jira oo jecel. Xubnaha jirkiisa oo jajabo nasasho la’aan awgii, dabadeed intaad is hayn kari weydo ayaad waxaad ku dhuumataa gidaarada ama meelaha ubaxa leh ee dadku ku nastaan.

Kolkaad haween dhoola-cadaynaysa aragtid ayaad waxaad iska dhaa-dhacsii inay iyada tahay, weliba iyadoo ku leh:“Gacaliye, maxaad qabaneysaa galabta” Degdeg intaad u soo haado ayaad tiraahdaa “Gacaliso, waxba ma qabanayo, halkaan ayaan u soo nasasho tagay, ee xaggeen aadnaa” goortay ku dhaaftay maba garatid, qof kula hadlayay iyadaba ma’ahayn waa niyadaadii oo isla hadlaysay ee KA BUL-DHEH……Sidaas ayaad ku garataa inuu Jaceylka dhab yahay, cudur xun ee aan daawo laheyn yahay ee kuwaan aamisneyn, waa kuwa habeen weliba telefonka ku calaacala, oo nafsadoodii qiyaamay. Kolkey goobaha dhalinta ku kulmaan aragtid ayay yiraahdaan saaxiib anigu ma aaminsani jaceylka inuu dhab yahay oo uu jiraba.

Qlinkii:- nuuradiin xareed cismaan(waxgarad)
Email:nuuradiinx@hotmail.com

 

su’aal: horta waa maxay jacaylku?!

Filed under: Uncategorized — jacayl @ 10:06 am

Jacayl hadallo badan baa horee loogu tiriye oo ay abawaanadu ka heeseen* Anigaa se helay oo hubsaday oo wuxuu yahay, haybad iyo qurux intay is hor yimaadeen oo howlo qaaday ee hadba aniga meel ha ii galo” (Axmed Mooge )

Wax badan ayeynu maqlay heeso badan oo ay fanaaniintu jacayl ku sifaynayaan ama kaga hadlayaan. Su’aal ayaa is waydiin leh. Horta jacaylku waa maxay?

Jacaylku noocyo badan ayuu leeyahay oo uu haddana yahay dareen meel ku wada yaal oo geed ka wada baxay. Jacayl wuu soo jiray ilaa bilowgii nolosha Aadmiga. Ka bilow Aadan iyo Xaawa. Illaa iyo maantana laga cawdaa ama waa waaba dareen uu qofkastaaba wax kala kulmo, xumaan iyo wanaagba.

Jawaabo kala duwan ayaa laga bixiyey jacaylka. Nin gantaal buu ku sheegay. Nin dhibaato ayuu ku sheegay. Nin kale cadaawye ama cudur ayuu ku sheegay.

Way badan yihiin sifaha lugu sifeeyay iyo sida loo sheegay jacaylka. Waxaannu odhan karnaa jacayl waaba magacyo badan yahay. Anigu waxaan ka helay nin hees ku sifeeyey oo yidhi:-

“Jacayl hadalo badan baa hore loogu tiriye oo ay abawaanadu ka heeseen. Anigaa se helay oo hubsaday oo wuxuu yahay. Haybad iyo qurux intay is hor yimaadeen oo howlo qaadaye hadba meel ha ii galo”!. Heestaas oo uu qaadi jiray Axmed Mooge ( AHNX ). Waa hees aad u sifaysay jacaylka.

Aniguna axa an leeyahay, “Jacayl waa jac iyo ciil”!

Kolay Qeexidda Jacaylka ninba si ayuu u arkaa ee tani se waa mid laga siman yahay.

La soco Qormadda danbe.

Waa qalinkii nuuradiin xareed cismaan (waxgarad)\
Email:nuuradiinx@hotmail.com

 

Hello world!

Filed under: Uncategorized — jacayl @ 7:38 am

Welcome to WordPress.com. This is your first post. Edit or delete it and start blogging!

 

 
Follow

Get every new post delivered to your Inbox.